Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta furtay dacwadda ka dhanka ah Sufyaan Sheekh Axmed Taakeeye oo horay Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada ku xukuntay 2 sano oo indho ku heyn ah, waxaana la dhageystay caddeynta xeer ilaalinta iyo doodda qareennadiisa.
Eedaha Xeer Ilaalintu u jeedisay waxaa ka mid ah in uu adeegsaday ereyo ka dhan ah Hay’adaha Dowladda, Maxkamaddii Xukuntay iyo kuwo kale, halka uu Sufyaan iska difaacay eedahaas waxaana sii xoojiyay qareennadiisa oo ka difaacayay kiiska loo horgeeyay Maxkamadda.
Dhageysi ka dib, Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn ku xukuntay 5 sano oo Xabsi Ciidan ah maadaama lagu helay qodobadii ay ku soo eedeysay Xeer Ilaalinta sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Liibaan Cali Yaroow.
Sufyaan ayaa dhowr jeer Wareysi uu bixiyay waxa uu uga hadlay qaabkii loo xiray, xabsigii uu ku xirnaa, sida loo horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, Xukunka ay ku ridday iyo arrimo kale oo arrintaas hoostagaya.
HBN ONLINE TV