SSC-Khaatumo oo soo saartay sharci ka hor imaanaya dadka la shaqeeya Somaliland ee deegannadeeda

Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa maanta fadhigooda 14-aad ee Kal-fadhiga 2-aad Golaha Baarlamaanka oo ay maanta ay ku yeesheen Laasacaanood ku meel mariyeen shuruuc ka hor imaaneysa hadka la shaqeeya Soomaaliland ee deegaanadda degan.

Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dood iyo falanqayn ay sheegeen in ay ku sameeyeen Hindise Sharciyeedkan, waxaa lagu mariyay sida hadalka ay u dhigeen habraacyada uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo qodobkiisa 87-aad.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 23-Mudane waxaa Oggol ku Codeeyay 19, halka ay diideen 2 waxaana ka aamusay 2 kale.

Cabdirisaaq Warsame Xayir oo ah guddoomiyaha guddiga arimaha gudaha amniga iyo difaaca SSC-Khaatumo ayaa faah faahiyey sharcigan ay soo saareen ayaa sheegay in uu difaacayo jiritaanka iyo masiirka maamulkooda, kaasi oo loogu tala galay in lagu maareeyo wixii ka hor yimaado SSC-Khaatumo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed