SSC-Khaatumo oo magaalada Laascaanood ku gubay boqollaal dhalo oo khamri ah

Ciidamada Booliska maamulka SSC Khaatumo ayaa gudaha magaalada Laaso-caanood ku gubay boqolaal dhalooyinka Khamriga, waxaana ay digniin u direen dadka ka ganacsada.

997 dhallo oo Khamri ah ayaa ciidamada Amniga ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Laaso-caanood, waxaana goobjoog Madaxda sare ee ka tirsan laamanaha Amniga iyo Maxkamadda.

Ku simaha Taliyaha Ciidamada Xasillinta SSC-Khaatumo oo sheegay in khamrigaan oo la doonayay in la soo galiyo gudaha maamulka ay ku qabteen howlgal ayaa digniin u diray dadka Ganacsada ee daneynaya inay khamriga soo galiyaan gudaha Maamulka.

Sanadkii hore Khaatumo oo dambi ka dhigtay in deegannadeeda la keeno waxyaabaha maan-dooriyaha ah ayaa ku dooday inay talaabo adag ka qaadi doonto cidiii ay ku hesho fal dambiyeedkaaasi.

bishii July 2024 Xeer Ilaaliyaha Guud ee SSC-Khaatumo ayaa baarlamaanka maamulka ka codsaday inay ansixiyaan Xeer uu hore ugu gudbiyey,kaasi oo lagula dagaalamayo dabar Goynta Maandooriyaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed