SSC Khaatumo oo khamrigii ugu badnaaa fagaare ku burburiyey

Ciidamada Booliiska Maamulka KMG ah SSC Khaatumo ayaa maanta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku burburiyay waxyaabaha maanka doooriya oo ay gacanta ku soo dhigeen, ka dib howlgalo ay ka sameeyaan halkaasi.

Khamrigan oo ahaa mid aad u tira badan ayaa waxaa armay in burburiyo garsoorka Maxkamadda SSC Khaatumo, waxaana goobta la isugu keenay joogay masuuliyiinta kala duwan ee maamulka iyo Sarakiisha Booliska, iyada oo ugu dambeyn ku burburiyey goobta la iskugu keenay.

Masuuliyiinta ka socotay Maamulka SSC Khaatumo ayaa ciidamada ku dhiiri galiyey sii wadida howgalada ka dhan waxyaabaha maanta oo dhalinyarada deegaanka oo saameyn ku leh deegaanka, waxaana shacabka ay ka dalbadeen in la shaqeynta ciidamada Booliska.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed