Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye ayaa ku baaqay in dadka reer Sanaag ay ku biiraan maamulkiisa, si loo dhiso hal maamul oo mideeya gobollada Sool iyo Sanaag, isla markaana looga hortagayo sida uu hadalka u dhigay gooni-isu-taagga Somaliland.
Firdhiye oo wareysi gaar ah bixinayey ayaa yiri “Waxa noo qorshaysan in dadka gobollada Sool iyo Sanaag la isu keeno, la mideeyo, maamul ay u dhan yihiin oo ay ku midaysan yihiin ay wada dhistaan,” ayuu yidhi Firdhiye.
Wuxuu ku eedeeyay Somaliland inay dhibaato u geysatay sida hdalka u dhigay qaar ka mid ah shacabka Ceerigaabo, isagoo carrabaabay in dad reer Ceerigaabo ah laga barakiciyay magaalada, islamarkaana SSC ay qorsheyneyso inay la wareegto magaaladaasi.
“Dadkayagii waa laga barakiciyay deegaannadoodii, guryahoodiina wali waa laga haystaa iyo beerahoodii. Waxay ku noqonayaan iyaga oo wata maamulkooda, dhibaato fara badanaa loo geystay ” ayuu yiri Firdhiye, isagoo si adag u sheegay in lagu celin doono guryahoodii dadkaasi si kasta oo suurtagal ah.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa horay u muujiyay damac ku aaddan in gacanta lagu dhigo dhammaan gobollada Sool iyo Sanaag, gaar ahaan meelaha ay Somaliland weli ku sugan tahay. Firdhiye wuxuu marar badan ku baaqay in loo diyaar garoobo sida uu aaminsan yahay isagu dagaal dhanka Somaliland.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa sheegtay inaysan marnaba ka tanaasuli doonin xuduudaha taariikhiga ah ee ay ka dhaxashay Boqortooyadii Ingiriiska, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wallow halkaasi iyaga ugu dambeysay 2023-kii, ka dib markii SSC-Khaatumo ay dagaallo adag wada galeen.
Inkasta oo Somaliland ay sheegtay inay dhigayso gogol nabadeed, una diyaarisay ciidamadii beelaha is-difaacayey qarameyn, hadana xaaladda gobollada weli ma degana, waxaana dhowaan dhacay isku dhacyo ciidan oo khasaare geystay, taasi oo muujinaysa in muranka dhuleed uu wali taagan yahay.
Somaliland waxay ka hortimid go’aan SSC-Khaatumo loogu aqoonsaday maamul rasmi ah oo ka mid kuwa kale ee qeybta ah Dowladda Soomaaliya, iyada oo gabi ahaan isaga baxday wada-hadaladii u socday Hargeysa iyo Muqdisho, taasi Dowladdu wax war ah kama soo saarin
HBN ONLINE TV