SSC-Khaatumo oo awaamiir dul dhigtay ajaaniibta sharci darada ku soo gala deegaannadeeda

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo saaray wareegto cusub oo ku saabsan adeegyada isgaarsiinta, gaar ahaan dadka ajaanibta ah ee aan sharciga ku soo gelin dalka. Wareegtadaas ayaa mamnuucaysa in dadkaas ay helaan adeegyada shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala degaanka SSC-Khaatumo.

Amar ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta & Teknoolajiyadda Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa Shirkadaha lagu faray in aysan Siim ama laf siin karin dadka Ajaanibta ah ee sida sharci darrada ah dalka ku soo galay, sida ku cad warqada ka soo baxday.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadaan loo qaadayo hubinta dadka qaadanaya adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta Bulshadu u heyso si loo helo xogta qofka ay siinayaan Simikaarka ama Lafta fududeyn karta in si sharci daro ah loo adeegsado, sida hadalka loo dhigay.

Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu waday qorshe lagu xoojinayo Amniga, waxaa awaamiir culus la duldhigay dadka Ajaanibta ah ee sida sharci darrada ah dalka ku soo galay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed