Wasiirka arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in safaradda Itoobiya meesha ay ku taalo aysan aheyn meel quman oo xayndaabka madaxtooyada dalka looga arimiyo.
Waxaa uu sheegay wasiir Fiqi in dowladda soomaaliya ay ku qasban tahay in meel kale ay u raadiso wakhtiga ugu macqulsan uguna dhow safaaradda Itoobiya, taasi oo uu tilaamay in ay ku talo jiraan, balse ay tahay marka meel ay u dhacdo Xaaladdan taagan.
Sida ooo kale Waxaa uu ku andacooday Itoobiya haddii ay ku adkeysato in safaaradooda goobta ku siitaalo, ayna Soomaaliya tan Soomaaliya ee Addis Ababa ay geyn doonto xayndaabka dowladdaasi looga arimiyo.
Dhanka isaga oo ka hadlayey arinta isbaheysiga Asmara ayuu hoosta ka xariiqay in uu ahaa mid lagu taageerayey Soomaaliya, kaasi oo ka qeyb qaaadanaya soo kabasha ciidamadiisa Qaranka.
HBN ONLINE TV

