Soomaaliya oo si adag uga jawaabtay eedeyn uga timid Itoobiya.

Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Soomaaliya oo ka jawaabtay walaaca Itoobiya ay ka muujisay hubka Soomaaliya heshay ayaa sheegtay in la yaab ku tahay markii ay aragtay fariinta ka soo baxday, halka ay ku eedeysay in ay hub siiso maamul goboleedyada Dalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay walaaca Itoobiya ay ka muujisay hubka ay heshay Soomaaliya ee lagu difaaacayo qarannimada Soomaaliya.

“Waxaa wax lala yaaba ah markii aad aragto Itoobiya oo walaac ka muujisay Soomaaliya oo heshay hub si ay u difaacdo qaranimadeeda ugana hortagto argagixisada” ayuu yiri xildhibaan Cali Balcad.

Cali Balcad ayaa ku eedeyey Itoobiya in si toos hub ay u siiso sida uu sheegay maamul goboleedyada, taasi oo wiiqaysa xasiloonida iyo madaxbaannanida Soomaaliya.
Dhanka kale, “Itoobiya waxay sii wadaa inay hub siiso maamul goboleedka Soomaaliyeed ee sida tooska ah u wiiqaya xasilloonida iyo madaxbannaanida Soomaaliya” ayuu yiri.

Itoobiya ayaa maanta bayaan uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi uu ku sheegay in xukuumadiisu aad ay uga walaacsan tahay hubka tira badan ee lagu daabulayo Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegay waa sida hadalka uu u dhigaye suurtagalnimada in uu u gacan galo kooxda Alshabaab.

Soomaaliland oo si la mid ah u soo saartay war saxaafadeed ayaa sheegtay in hubka Soomaaliya soo gaaray uu faraha u gali kooxda Alshabaab iyo Qabaa’ilada, halka beesha caalamka ay ka dalbatay in arintaan si degdeg ah uga jawaabto inta aan dana gaar ah loo adeegsan.

Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay ka gudubtay sida hadalka loo dhigay marxaladdii la dhihi jiray “cida aad la macaamileyso” waa in aan raali ka ahaano, sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed