La taliyaha diinta ee Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay walaaca Itoobiya ee arimaha hubka ay dowladda heshay ayaa sheegay in waxa ka soo yeeraya ay yihiin sida hadalka uu u dhigay in dacaayad ay u sameynayaan kooxda Alshabaab oo uu caalamka u sheegeyso in weli dalka ku xooganyihiin.
Sheekh Cali Wajiis ayaa carrabka ku dhuftay in Itoobiya xiriir kala dhaxeeyo Argagixisada, maadama ay dacaayad u sameynayaan iyo weliba in ay cadow dalka ku yihiin.
Waxaa uu dhannka kale tilmamaay in nasiib daro ay tahay in meelaha hadalada ay k asoo qaadaneyso ay ugu horeeyaan maamulada dalka, taasi oo qatar ku tahay midnimada dalka.
Sida oo kale waxaa uu soo jeediyey arimahan dowladdu ay il gaar ah ku eegto, taasi oo laga bilaabayo xagga waxbarashada iyo in loo maro culumada Soomaaliyeed.
Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan u faaqiday arintan ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay kala socoto, iyada oo hub sifo sharci dara ah ugu hubeysay maamulada, iyada oo dowladda Soomaaliya ku eedeysay in arintaas ay joojiso xukuumadda Addis Ababa inkasta oo aysan ka jawaabin.
HBN ONLINE TV