Soomaaliya oo sheegtay in Khatar ay ku tahay Itoobiya midnimada dalka iyo dadka

Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa cabdi Barre oo madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay qudbad ka jeediyey ayaa ka hadlay xiisadda sii cakirmaysa ee kala dhexeysa Itoobiya, isaga oo sheegay in u dalku uu wajahayo khatar weyn oo kaga imaanaysa dalkaasi.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in fiiro gaar ah ay u baahanyihiin xiisadaha caalamiga ah ee caaalamka iyo in aan la iska indha tirin khataraha gobolka ee sida tooska ah uga hor imaanaya madaxbanaanida qaran iyo xasiloonida.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisal Wsaare Xamsa in “Soomaaliya hadda wajaheyso” khatar culus oo kaga imaanaysa “talaabooyin dhawaan ay qaaday Itoobiya”, kuwaas oo si muuqata ugu xad gudbaya sida hadalka uu u dhigay midnimada dhuleed ee dalkeena.

“Isku dayada Itoobiya ee ah in ay qaadato qayb ka mid ah Soomaaliya, iyada oo marmarsiiyo ka dhigeysa in ay helaan marin badeed, waa kuwo sharci darro ah oo aan loo baahneyn” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse.

Dhanka kale ayuu carrabku ku dhuftay Xamsa in Dekadaha Soomaaliya ay u furnaayeen ganacsiga sharciga ah. “Dekadaha Soomaaliya had iyo jeer waa ay u furnaayeen ganacsiga sharciga ah ee Itoobiya, taasi oo muujineysa, sida ay inooga go’an tahay ganacsiga iyo iskaashiga gobolka” ayuu yiri

Itoobiya waxaa uu ku eedeeyey in ay wado ficilo gardaro ku ah dalka, ka dib markii ay heshiis sida uu hadalka u dhigay aan sharci aheyn la gashay mid ka mid ah maamulada Soomaaliya, taasi oo dhiiri galineysa gooni u goosadka

“Ficillada gardarada ah ee Itoobiya oo ay ku jirto heshiiska aan sharciga aheyn ee ay la gashay mid ka mid ah maamuladeena waxay wiiqeysaa madaxbanaanida Soomaaliya oo waxay dhiiri galinaysaa dhaqdhaqaaqyada gooni u goosadka taasi oo khatar ku ah midnimadeena qaran” ayuu yiri.

Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay difaacdo midnimadeeda dhuleed,isaga oo ugu baaqay Itoobiya joojinta daandaansiga oo ay u hugaansanto sharciga caalamiga ah, halka wadamada Caalamka uu ka dalbaday in ay garab istaagaan Soomaaliya iyaga oo cambaareynaya xadgudubyada, taageerayana midnimada Dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed