Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo qudbad u jeedinayey ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin sugida amniga dalka oo dhan iyo ka hortagida dal kasta oo isku daya in ay soo weeraan.
Wasiirka oo khudbad u jeediyay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga oo uu tababar uga socdo xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho ayaa sheegay in ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaaqyada ay wado Itoobiya ee la xiriira damaca badda.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ciidamada faray in ay ka shaqeeyaan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
“Waad maqleysaa Itoobiya ayaa badda soo damacday, ciidanka xoogga waa in uu aaminsan yahay goob kasta oo uu joogo dalkiisa iyo dadkiisa cid kasta oo farta ku soo fiiqda in uusan aqbaleyn, shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamadooda waxaa ay aaminsan yihiin in aan taako dhulkooda ah la qaadan karin” ayuu yiri Wasiirka Cabdulqaadir.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli Itoobiya ay sheegtay inay ka walaacsantahay hawlgalka cusub ee beddelayo kan ATMIS ee waqtigiisu uu iminka gabaabsiga yahay, iyo ciidamada cusub ee lagu soo daabulayo Soomaaliya, iyada oo howlgalka cusub ee taageerada nabada ay ka buuxaan khataro ku wajahan gobolka sida ay hadalka u dhigtay.
HBN ONLINE TV