Soomaaliya oo meel marisay heshiis is kaashi oo ay la gashay dalka Shiinaha

Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta  ku yeesheen xarroontooda Muqdisho ayey uga hadleen xaaladda guud ee dalka iyo heshiis ay wada saxiixdeen dowladaha Sooomaaliya iyo Shiinaha, kaasi oo la tilmaamay in uu ahmiyad u leeyahay dalka.

Shirka oo uu guddoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Soomaaliya iyo  Shiinaha.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

Golaha wasiiradda ayaa warbixin ka dhageystay wasiiradda difaaca iyo amniga, iyaga oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah AS iyo difaaca dalka.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed