Soomaaliya oo ku hanjabtay in xiriir la yeelan doonto jabhadaha Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in go’aamo adag oo ka hor imaanaya danaha iyo midnimada Itoobiya ay qaadi doonaan, haddi ay ku sii adkeysato heshiiskii lagu kala saxiixday magalaada Addis Ababa oo ku sifeeyey mid ku xad gubaya qarannimada Soomaaliya.

Fiqi ayaa farta ku fiiqa in haddii Itoobiya sidaas ku adkeysato in ay furan tahay in xiriir la sameeyaan Jabhadaha ka soo hor jeeda taliska Addis Ababa, inkasta oo uu rajo ka muujiyey in khilaafka intaa ka horeysa tilaabadaasi la xalin doono.

“Dowladda Soomaaliya way u furan tahay in ay taageerto Jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii Itoobiya sidaan kusii socoto waana albaab weyn oo inoo furan, laakiin ma anan aadin oo rajo weyn ayaan ka qabnaa in la xaliyo [arrimaha taaggan]” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macallin Fiqi.

Sida oo kale Wasiir Axmed Macallin ayaa tilmaamay in uu soo dhammaaday dulqaadka Dowladda ee la xiriira Safiir sida hadalka uu u dhigay caytama ama waxa uu doonno sameeya, isaga oo sheegay in safiir weliba uu leeyahay xeendaab sharci ah oo celiya, sidaa awgeedna Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin ay uga falcelneyso Danjirihii qaada ficillo hor imaanaya madaxbannaanida & midnimada Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya dulqaadkeeda ku saabsan safiir iska caaytama ama waxa uu doonno iska sameysta wuu soo dhammaaday, muddo madaxa waala raaraciyay oo waa lasoo af gobaadsaday oo muddo waa la soo xishooday, cid aan ugu dulqaadaneyno inay dalka kala qaybiso ma jirto oo Soomaaliya & Somaliland labo Dal ka dhigto” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Danjire Fiqi ayaa hadaladaan ka sheegay Barnaamij uu qabtay telefishinka Universal, waxaana wax laga waydiiyay arrimo u badan tallaabooyinka Itoobiya ay qaadeyso & qorshaha Soomaaliya ku talo jirto oo ay qaadi doonto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed