Soomaaliya oo ka qayb galaysa shir ku aadan xiisadda colaadeed ee Iran & Israaiil

Shir degdeg ah oo la iskugu yeerada wasiirada arimaha Dibedda ee Ururka Iskaashiga Islaamka iyo xubnaha kale ee ururka ayaa la filayaa in uu maanta ka dhaco dalka Boqortooyada Sacuudi carabiya, waxaana looga hadli rabaa qodobo xasaasi oo ku aadan xiisada kacsan ee u dhaxeysa Iiran iyo Israa’iil

Soomaaliya waxaa uga qayb galaya Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macalin Fiqi Axmed, oo maanta u ambabaxay magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shirka aan caadiga ahayn oo heer wasiirro arrimo dibadeed ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Ajendaha looga hadlayo shirkan degdeg ah ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin, wax ka qabashada weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso shacabka Falastiin, madax bannaanida Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka iyo amniga.

Shirkaan ayaa ku soo beegmay iyadoo laga cabsi qabo inay ka ay bariga dhexe xiisad dhalin karta dagaal weyne ka dhaca, xilli Iran ay iskudayayso inay ka jawaabto dilka madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ee ka dhacay Tehran.

Lama oga kaalinta ay ku leeyihiin wadamada reer galbeedka shirkaan degdeg ah, maadaama ay Iiran horay dhagaha uga fureysatay dalal badan oo loo soo maray, waxaana ay ku adkeysatay in ay jawaab ka bixi doonto waxa wixii dhacay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed