Soomaaliya oo cadeysay in aysan rajeyneyn Itoobiya in ay ka mid noqoto Howlgalka soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa cadeysay in aysan Itoobiya ka mid noqon doonin howlgalka soo socda ee la filayo in uu ka howlgalo Soomaaliya, kaasi oo noqon doona mid ku koobnaan doona bara cayiman iyo goobo muhiim ah.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka warbixinayey socdaalka lugtii ugu dambeysay uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku soo marayo Kenya oo ka mid ah dalalka ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya ayuu ku sheegay in wadatashiyo uu la yeeshay madaxda uu la kulmay.

Waxaa uu sheegay in madaxdu isku fahmeen qaabka la iskula meel dhigi lahaa ciidamada hadda baxaya iyo kuwa soo socda, taasi oo aheyd safarkiisa madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay afartan dal ee uu booqday, waana Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya.

Jaamac ayaa sheeegay in wamada ay tagayeen aysan ka mid aheyn Itoobiya qorshahana ugu jirin, halka uu tilmaamay in Soomaaliya aanay rajeyneyn in Xukuumadda Addis Ababa ay ka mid noqoto howlgalka 2025.

“Itoobiya ma aadeyno waxay ku xad gudubtay madaxbananaideenii, mana rajeyneyno in ay ka mid noqoto howlgalka soo socda” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa meesha ka saaray in wamada la qorsheeyey in howlgalka ka midnoqdaan aanay Itoobiya ku jiri doonin, isaga oo carrababay in dowladda ay booqdeen sida uu hadalka u dhigay aysan wax dhiba ku qabin Soomaaliya.

“Waxaan kuu sheegi karaa Itoobiya in aysan mid ahaan doonin howlgalka, laakiin wamada kale waxaa ay ku soo bixi doonaan rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed cidii ay ku casuumto oo ay u garato in ciidamadeeda ka mid ahaadaan howlgalka” ayuu yiri wasiirka Difaaca XFS.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in howlgalka AUSSOM uu koobnaa doono ilaalinta xarumaha waa weyn, ayna ahaan doonaan ciidama suga amniga magaalooyinka dadku ku badanyihiin, iyaga oo ka yaraanaya kuwii hore (ATMIS).

Shuruurdda Soomaaliya oo noqotay mid ay Itoobiya utun ku abuurtay ayaa ah mid ay dooneyso in ay ku fashiliso heshiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ku dhexmaray Addis Abab kowdii bishii Janaayo ee sanadkan, kaasi oo dhigayey in ay hesho 20-km oo Bad ah.

Soomaliya ayaa ku tilmantay heshiiskaas mid wax u dhimaya madaxbananida, midnimada iyo wada jirka Ummadda Soomalaiyeed, iyada oo ay horay u soo fashilmeen dhowr wada hadal oo Turkiga uu garwadeen ka ahaa.

Itoobiya ayaa ka madax adeygtay burburinta heshiiska Janaayo, inkasta oo dhabar-jab uu ku noqonday heshiiskii Muqdisho ay la gashay Qaahira Agoosto oo dhanka difaaca ahaa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed