ONLF oo war ka soo saartay dagaallo dhimasho iyo dhaawac 60 ruux sababay oo ka socda gobolka Soomaaliya

Ururka ONLF ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay dagaallo iyo rabshado maalmihii u dambeeyay ka socday deegaanka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dadka degan gobolka.

ONLF ayaa sheegtay in dagaalladu ku bilowdeen iska hor imaad u dhexeeyay laba reer oo deegaan ah, balse ay xaaladdu sii cakirantay sida ay hadalka u dhigtay, kaddib markii ciidamo ka tirsan Booliiska deegaanka la geeyay goobta. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, dhacdooyinkaas waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof, halka ku dhawaad 40 qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

“Dhacdooyinkaas waxaa ku naf waayay in ka badan 20  qof, halka ku dhawaad 40 qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, iyadoo xaaladdu weli kacsan tahay, khatartuna sii jirto. ONLF waxay si adag u cambaaraynaysaa dhammaan falalka sababay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku baaqaysaa qodobadan soo socda” ayaa lagu yiri wark ONLF.

Sidoo kale, Ururka ayaa ku eedeeyey ciidanka Liyuu Booliiska ee dowlad-deegaanka inay adeegsadeen sida hadalka loo dhigay awood xad-dhaaf ah oo lagu beegsaday mid ka mid ah dhinacyada isku haya colaadda, iyadoo ugu baaqday maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida inuu joojiyo falalka ay ku tilmaantay xadgudubyada ka dhanka ah shacabka, isla markaana la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaado masuuliyadda dhacdooyinkan.

ONLF ayaa ugu baaqday labada dhinac ee dagaallamaya inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, waxayna ugu u soo jeedisay isimada, salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka inay hormuud ka noqdaan dadaallada dib-u-heshiisiinta, halka ay dalbatay in gargaar iyo magdhow la gaarsiiyo qoysaska ay saameeyeen dagaallada, ayna colaadaha sokeeye xal u ahayn dhibaatooyinka bulshada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed