Soomaaliya oo cadeysay in AUSSOM noqon doonto howlgalkii ugu dambeeyay ee daageera Nabadda Dalka

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa sheegay in shirka Kampala uu ahaa mid lagu qabtay codsi rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), kaasi oo quseysa sida hagi doono hirgelinta howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.

Balcad ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay rabto in AUSSOM noqdo howlgalka ugu dambeeya ee caalamiga ah ee taageera nabadeynta dalka, isaga oo xusay in habka loo maamulayo howlgalkaasi uu ku salaysnaan doono la xisaabtan, hufnaan iyo ixtiraam buuxa oo la siiyo madax-bannaanida Soomaaliya.

“Ujeedadayadu waa mid cad: tani waa inay noqotaa howlgalkii ugu dambeeyay ee taageera socdaalka Soomaaliya ee nabadda waarta, oo ku dhisan la xisaabtan, hufnaan iyo ixtiraamka madax-bannaanideenna,” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay la wareegto amniga guud si buuxda, xilli howlgalka ATMIS la filayo in lagu beddelo AUSSOM sanadkan 2025.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed