Soomaaliya oo billaabaysa wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, , ayaa shaaca ka qaaday in uu bilowday wajigii labaad ee dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, isla markaana dowladdu  ay ballaarineyso dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Howlgalka lagu xoreynayo aagaga hore ee dagaalka ayaa ka bilowday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Al shabaab 10 sano ee la soo dhaafay.

Wasiir Fartaag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay u ruqaansadeen dhanka degmada Badhaadhe oo ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab. Waxa uu carabka ku adkeeyay in loo jihaysan doono duulaanka, isagoo sheegay in wajigii labaad uu ka tagi doono Kismaayo ilaa Buulo Xaaji, loogana sii gudbi doono Badhaadhe.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sheegashada ah in deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab aan si dhab ah loo bartilmaameedsan, warkaas ayuu meesha ka saaray waxaa uuna sheegay in deegaanno badan oo Al shabaab muhiimu ahay laga saaray.

Dagaallada ka socda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab oo dhibaato joogto ah ku ah xasiloonida dalka.

Bilawga wejiga labaad ee dagaalkan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo ay dowladdu ku xaqiijinayso amniga gobolka iyo sidii ay muwaadiniinteeda uga ilaalin lahayd falalka ay maleegaan dagaalyahannada Al sahbaab, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed