Mareykanka oo Soomaaliya kala shaqeynaya amniga garoomada & duulimaadyada

Madaxda Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulmay mas’uuliyiin ka socota Hay’adda dalka Mareykanka u qaabilsan Amniga Garoomada ee caalamka ee Transportation Security Administration(TSA), kuwaasi oo booqasho ku yimid dalka, sida lagu sheegay war lagu qoray warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Hay’adaha amniga garoonka, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo madaxda ka socota Hay’adda TSA.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka socota Hay’adda TSA waxaa ay dalka joogi doona muddo 3 maalmood ah, iyaga oo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, ayaa lagu xusay bayaanka dowladda.

Kulamada ayaa la sheegay in lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka, iyada oo kulanka lagu qorshaynayo sidii lagu gaari lahaa in Diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed