Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay ku yeesheen Jabuuti waxay ka soo saareen war-murtiyeed ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xilliga kala guurka ah ee ciidamada nabad ilaalinta ATMIS ay xilka wareejinayaan.
Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah ku yeeshay madaxtooyada dalka ayaa la sheegtay inay ka wadahadleen xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga howlgalka Soomaaliya garwadeenka ka tahay .
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya uu dalkiisu sii wadi doono, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Sida oo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigtay inta kulanka lagu jiray in dhamaadka howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyada oo uu bilaaban doono howgal ku meel gaar ah oo muddo kooban socon doona oo lagu suntay (AUSSOM).
Waxaa uu intaasi ku daray inuu qorshuhu yahay in dhawaan ay si buuxda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka, ka dib 12-ka bil ka dib ee loo qabtay howlgalkan la isku afgartay 27-kii bishaan Golaha ammaanka.
HBN ONLINE TV