Somaliland oo weerar afka ah ku qaaday dowladda Jabuuti isla markaana sheegatay soo bandhigidda caddeymo ku saabsan hadal ay beenisay Jabuuti

Somaliland ayaa  shaaca ka qaaday caddaymo ay sheegatay in ay muujinayaan jiritaanka jabhad hubeysan ka dhan ah maamulkaas  oo ku sugan dalka Jabuuti, isla markaana ay dowladda Jabuuti beenisay markii uu ku eedeyay Muuse Biixi in ay martigelisay Jabhadaas.

Kadib markii wasiiro ka tirsan Jabuuti gabi ahaanba beeniyeen  dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland oo dalkeeda ku sugan, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa soo bandhigay caddaymo uu  ku sheegay  jiritaanka jabhada.”Waa kuwaa nimankii Awdal State sheeganayay waxay fadhiyaan fagaarihii waynaa 27 Juun laga xusayay, halkaana waxa fadhiisan kara uun qof lasoo martiqaaday” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

Waxa uu Carabka ku adkeeyay in aysan ka fileyn Jabuuti in ay martigaliso dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland, isla markaana wax lala yaabo ay tahay  in ay beeniso jiritaanka jabhada, oo uu sheegay in ay abaabul balaaran ka wadaan Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu intaas raaciyay in qudbado isdaba joog ah oo ka dhan ah Somaliland ay ka jeediyeen magaalada Jabuuti.

Cali Mariixaan ayaa weerar afka ah ku qaadday wasiiro ka tirsan dowladda Jabuuti oo uu sheegay in tan iyo markii uu dhacay isfahankii Itoobiya in tobanaan jeer soo saareen warar ka dhan ah Somaliland, balse asyan jawaab ka bixin

Dowlada Jabuuti ayaa wasiiro ka tirsan laba war oo kala danbeeyay Isniintii ku beeniyay jiritaanka jabhada ay Somaliland ka  xumaatay, inkasta oo ay hoggaamiyayaasha Awdal State hadalo hanjabaado ah Somaliland uga soo direen caasimada Jabuuti. Waxana aad u xumaaday xariirka lada dhinac.
HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed