Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay wadahadal nabadeed oo shuruud la’aan ah in ay ka gasho masiirka maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Laascaanood, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.
Wasiir Kaahin ayaa ku nuux-nuuxsaday in Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal furan oo arrintan ku saabsan. “Xukuumadda Somaliland meel wanaagsan ayay ka taagan tahay maxaabiistan, waxayna mar walba diyaar u tahay, si nabad gelyo leh aan shuruud laheyn in arinta maxaabiistaasi looga hadlo,” ayuu yidhi.
9-kii bishan July, maamulka SSC-Khaatumo ayaa si cad uga hadlay doodaha ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista, ka dib markii ay dhawaan wadatashiyo ay yeesheen urur goboleedka IGAD.
Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle, ayaa horay u xaqiijiyay in Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay u diyaar garoobeen wada hadal la doonayo in lagu xaliyo arrinta maxaabiista.
Wasiir Barkhadle ayaa si adag u qeexay in wadahadalladan lagu soo qaadi doono qodobbada ay isku dhaafsanayaan maxaabiista, isaga oo caddeeyay in maxaabiista qaarkood loo haysto dambiyo dagaal oo waaweyn, isla markaana ay yihiin maxkamad sugayaal.
“Arrinta maxaabiistu waa arrin caalami ah oo labada dhinac taabanaysa. Waxaa jira walaacyo la taaban karo maadaama shaqsiyaadka ka mid ah maxaabiista ay ku lug lahaayeen dembiyo dagaal iyo rabshado waaweyn,” ayuu yiri Barkhadle.
In kasta oo ay wada-hadallo bilowdeen, wasiir Kaahin waxa uu qiray in aanay jirin wax horumar ah oo la taaban karo oo ilaa hadda la gaaray, waxaana uu ka gaabsaday in uu malo-awaal ka bixiyo wakhtiga go’aan laga gaarayo.
Wadahadalladan ayaa ka dhigan tallaabo xasaasi ah oo loo qaaday dhanka nabadda iyo dib u heshiisiinta labada maamul ee deriska ah, iyadoo la doonayo in wax laga qabto cawaaqibka ka dhalan kara colaadda.
HBN ONLINE TV