Somaliland oo sheegtay in ay qabatay xubo ay ku sheegtay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qabatay xubo ay ku sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab oo ku socday falal carqaladayn ah, ka dib howlgal ay ka sameyeeen magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Raggaan la soo bandhigay oo gaaraya afar ruux ayaa howlgalka lagu soo qabtay waxaa ka dambeeyey ciidamada sirdoonka Somaliland.

Warkan lagu baahiyey bogga hay’adda Sirdoonka Somaliland ayaa lagu sheegay in soo qabqabashaada raggaan ay gacan ka geysteen ciidamada amniga, mana raacin wax faahfaahin intaasi badan.

Xubnahaan ayaa sida hadalka loo dhigay la sheegay in ay doonayeen in carqadeeyaan doorashooyinka soo socda, taasi qorshaheedu yahay in ay dhacdo 13 bisha soo socota ee November.

Ma jiraan caddeymo rasmi ah oo warbaahinta loo soo bandhigay oo ku aadan eedeymahan loo soo jeediyay dadkan la qabtay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed