Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ansixisay Asxaabta Siyaasadda ee 10-ka sano ee soo socda, kuwaa oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Somaliland 13-kii bishii November ee sanadkii hore.
Sedexda Xisbi siyaasadeed ee Somaliland oo la siiyey shahaadooyinka Xisbinimo ayaa kala ah Xisbiga Wadani oo talada la wareegay, Kulmiye oo booska beleday iyo Kaah oo dhawaan gal ah.
Shahaadooyinka la siiyey xisbiyada tobanka sanno ee soo socda ayaa waxaa ay u bilaabatay bishaan kowdii bishaan Janaayo 2025, iyada oo ku ekaan doonta bisha Janaayo ee sanadka 2034-ta.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in dimuqraadiyadu tahay dhowrista xorriyadda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, isaga oo balan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sarraynta sharciga iyo xasiloonida siyaasiga ah
“Dimuqraadiyadu kuma koobna doorashooyinka oo keliya laakiin waxaa kamida Cadaaladda iyo garsoor wanaaga, dhawrista xorriyadaha madaniga ah, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa, sarraynta sharciga, xasiloonida siyaasiga ah, adkaynta midnimada iyo amniga qaranka, kuwaas oo dhammaantood ay xukuumadani muhiimad gaar ah siinayso” ayuu yiri MW Cirro.
Madaxweynaha Cirro ayaa sheegay in Xukuumadiisa ka go’an tahay sida uu hadalka u dhigay inay dhisto dawladnimo damaanad qaadaysa in muwaadin kasta uu helo xuquuqdiisa siyaasiga ah, iyaga oo si taasi u hirgasho dejin doona siyaasad lagu arrimaha maamuli doono.
Xubnaha Asxaabta xisbiyada Siyaasadda Somaliland oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, iyada oo balan qaaday ka shaqeynta hormarka dadka iyo Somaliland.
HBN ONLINE TV