Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda SSC-Khaatumo Oo Warqado U Gudbiyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka

Iyadoo dhawaan ay go’aan ku gaareen SSC-Khaatumo in Puntland aysan soo diri doonin xildhibaano ayaa hadana siyaasiyiin ka soo jeeda SSC-Khaatumo oo doonaya inay ka mid noqdaan baarlamaanka Puntland waxay warqado u gudbiyeen guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha. Ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloola xaalada ayaa xaqiijiyay in la keenay warqadahaan.

Siyaasiyiintan ayaa intooda badan ku xiran maamulka Madaxweyne Deni, iyagoo xilal kala duwan kasoo qabtay wasiiro iyo la-taliyeyaal. Qaarkood waxay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweyne Deni oo ay doonayaan inay ku soo laabtaan Madaxtinimada. Saxiixa la gudbiyay ayaa waxaa iska leh xubnaha SSC-Khaatumo, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo khilaafka muuqda ee u dhaxeeya maamulka SSC  Khaatumo  iyo Puntland oo go’aankan soo saaray Sabtidii.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare oo arrimahaas ka jawaabaya ayaa xusay in go’aanka SSC-Khaatumo uu yahay mid aanan xilligaan waafaq saneyn hishiiyadii hore, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay waqti dheeri ah iyo heshiis siyaasadeed oo lagu kala saaro Puntland iyo Khaatumo.

Xaaladan bannaanka timid ayaa sii kordhineysa dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ka jira Puntland, iyadoo musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ay ka digayaan in xildhibaanada SSC-Khaatumo lasoo xulo iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin qaabka loo marayo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed