Sirdoonka Puntland oo Boosaaso ku qabtay shabakad hubka kala gudbiya

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland ee PMPF iyo kuwa sirdoonka ee PISA oo howlgalo kala duwan ka sameeyey magaalada Boosaaso ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay shakhsiyaad iyo shabakado lagu raadjoogay oo kala gudiya hubka.

Warka soo baxay ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in xubnaha la soo qabtay xiriir la leeyihiin kooxa waxa loogu yeero Argagixisada, ayna isugu jireen Soomaaliya iyo Ajaaniib, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus.

Kooxahan gacanta lagu dhigay ayaa ciidamada tilmaameen in qayb ay ka yihiin shabakado lagu raadjoogay, waxaana waxyaabaha lagu soo qabtay ka mid ahaa noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale hadalka loo dhigay.

Ciidamada sirdoonka Puntland warka ka soo baxay ayaa lagu yiri “Kooxahan gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan”

Muddooyinkii ugu dambeeyey Ciidamada Puntland ee sida gaarka ah u tababaran ee PMPF ayaa waday howlgalo kala duwan, waaxaana dabayaqadii bishii hore ay soo bandhigeen nin Ajanabi ahaa oo la sheegay in uu ka tirsanaa kooxda Daacish-ta Soomaaliya, uuna u dhashay dalka Zanzibaar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed