Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa si weyn loo soo agaasimay munaasabad loogu dabaaldego sanad guuradii 64-aad ee 1-da Luulyo ee ka soo wareegatay markii gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur.
Kowda Luuliyo ayaa lagu xusayaa Midnimada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaana guud ahaan dalka iyo dibaddaba laga xusay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Munaasabad lagu xusayo sanadguurada 64-aad ee ka soo wareegatay, maalintanm xuskeeda ayaa hadda ka socota magaalada Muqdisho, taasoo si heer sare ah loo soo agaasimay.
Munaasabadda maalinta xoriyadda Soomaaliya ayaa maanta si weyn loo xusay, waxaana xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad calanka lagu saarayay.
Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 64-aad ee maalinta xorriyadda ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana saqdii dhexe ee xalay laga taagay calanka dalka. . , iyadoo markii dambe la soo bandhigay suugaanta calanka iyo astaanta calanka oo ah dhacdo taariikhi ah.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyay sanadguuradii 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya. Munaasabadan ayaa ahayd mid xasuusinaysa adkaysiga iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, taariikhdooda hodanka ah iyo rajada ay ka qabaan mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah.
Qaar ka mid ah Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalka ay u diideen in gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay maraan goobaha xaddidan.
Dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ayaa hakad ku jira, waxaana xitaa shacabka loo diiday inay maraan goobaha la xanibay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii laga soo celiyay wadooyinka xiran.
Ciidanka ayaa sidoo kale soo bandhigay dhoolatus aad u qurux badan oo ay ku muujinayaan qiimaha ay u leeyihiin maalinta xoriyada dalka, taasi oo ka socota Taalada Daljirka Dasoon ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu arkayo gaadiid dagaal iyo ciidamo ku duulaya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabadda calanka oo habeenkii 1-da Luulyo oo ku beegan 64-guuradii ka soo wareegatay markii ay xornimada qaateen gobollada Koonfureed iyo israacii labada gobol. ee Waqooyiga iyo Koonfurta Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Sida ay ummaddu u rajaynayso mustaqbalka, muhiimadda ay maalintani leedahay lama ilaawi doono. Xuska 64-aad ee maalinta xorriyadda ayaa ah mid si weyn u xasuusinaysa geedi-socodkii uu dalku soo maray, caqabadaha uu ka soo gudbay.
HBN NEWS DESK