Dadka ka faalooda Siyaasadda ayaa tilmaamaya in Aqoonsiga ay SSC Khaatumo ka heshay Dowladda Federaalka wax ka badalaayo saamiga iyo awoodda heer faderal ee maamulka Puntland.
Xildhibaanadda reer SSC Khaatumo ku matala Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa hore looga soo dooran jiray maamulka Puntland, ka dib aqoonsiga SSC Khaatumo ayaa meesha ka saaraya in xildhibaanadaas dib loogu soo doorto Puntaland, iyadoo doorashada soo aadan Xildhibaanadaas si toos ah looga soo dooran doono maamulka SSC Khaatumo.
Falanqeeyayaasha ayaa tilmaamaya in arintaani ay ka dhigan tahay in wax ka bedel lagu sameeyo qaab dhismeedka iyo dastuurka Puntland, taasi oo uu horey uu u sheegay madaxweynaha Puntland haddii ay SSC Khaatumo ka baxayso ka mid ahaanshaha Puntland.
Sidoo kale, waxaan weli la hubin Mustaqbalka Wasiiradda iyo Xildhibaanadda Maamulka Punland ee matalayay dadka reer SSC, maadaama Khaatumo loo aqoonsaday maamul buuxa ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV