Shirkadaha diyaaradaha ee Itoobiya & Imaaraadka oo fuliyay amar ka soo baxay Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airline & Fly Dubai oo laga leeyahay Itoobiya & Imaaraadka Carabta ay aqbaleen inay wax ka beddelaan macluumaadka barahooda bulshada ee magacyada iyo garoomada diyaaaradaha ee diyaaradaasi tagaan ee dalka, sidaasi waxaa warbahainta u xaqiijiyay Agaasimaha waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka Maxamed Cabdi Cismaan Faradheere.

Agaasimaha ayaa sheegay in Shirkadda ay xiriir la soo sameysay wasaaradda iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayna arrimahan ka wadahadleen. Dhanka kale wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Itoobiya ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegtay in ay”aqbaleen islamarkana saxeen” codsi uga yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa in marka ay qorayaan magaalooyinka iyo garoomada ay tagaan lagu qoro magaalada magaceeda & magaca Soomaaliya.

Duulimaadka magaalada “Hargeysa” oo markii hore mareegta Ethiopian Airlines ugu qornaa oo kali ah Hargeysa ayaa loo bedelay “Hargeysa, Soomaaliya”. Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay shirkaddahan in ay ku xadgudbayso qarannimada Soomalaaliya islamarkana ay tahay in ay saxdo khaladkaasi.

Warqad ka soo baxday hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in ay shirkaddii “Ku xad gudubta Qaranimada” dalka, dib loo qiimeyn doono ruqsada ay ku soo gali karto hawada Soomaaliya, waxaana lagu xusay in arrintan ay la xiriirto ereyga ay shirkaddu u isticmaasho magaalooyinka ay diyaaradaheeda ka degaan.

Hore waxa ay Ethiopian Airlines ku sheegtay Duullimaadkeedii ay ku tagto Magaalada “Hargeysa”, “Somaliland” laakiin hadda waa Hargeysa Soomaaliya.
 

Sida oo kale waxaa iyadana amarka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka fulisay shirkada Diyaaradaha Fly Dubia Imaaraad, waxaana taasi ay muujineysaa in ay qaadatay fariintii ay u dirtay dowladda Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed