Shir looga hadlayo ka hortagga maalgalinta Argagixisada oo DFS Muqdisho ka furtay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Muqdisho furay Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka hortagga iyo la dagaallanka Maalgalinta waxa loogu yeero Argagixisada.

U jeedka Shirka ayaa lagu sheegay in dowladda, ganacsatada iyo bulshadu ay iska kaashadaan la dagaallanka maalgalinta kooxaha loogu yeero Argagixisada.

Sida oo kale waxaa lagu tilmaamay in dowladdu ay bartilmaameedsan doonto dadka la shaqeysta Alshabaab iyo xubnaha Maalgeliya.

Waxaa la carraababay in ciddii lagu helo sida hadalka loo dhigay danbiga ah maalgalinta kooxda Alshabaab la horgeyn doonaa Caddaaladda.

DFS ayaa dhaamadka Todobaadkii hore sheegtay in qasnadda dowladda lagu wareejiyey in ka badan hal Milyan oo maalgalin ah kooxaha Argagixisada lagu sheego, halka ay wado baaris kale oo ku aadan arimaha maalgalinta ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed