Shir culus oo looga hadlayo amniga doorashooyinka Golaha Deegaanka oo ka dhacay magaalada Garowe

Shirkaan oo looga hadlayay arrimaha ammaanka maamulka Puntland ayaa ka dhacay magaalada Garowe, isla markaana diirada lagu saaray hannnaanka lagu wajahayo doorashooyinka Golahaha Deegaanka ee dhiman, kana haray doorashadii 2023.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa gudoomiyay Shirkan, kulanka waxaa ka qayb galay Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka booliska S/guuto Caydiid Axmed Nuur iyo saraakiil sar sare ee ciida ka Booliska maamulkaas.
Shirka ayaa lagu shaandheeyay u diyaar garowga sugidda amniga doorashada qof iyo cod ee la filayo in ay ka qabsoonto degmooyinka Garowe, Godobjiiraan iyo Dangoronyo, waxaana Warbixin laga dhagaystay shirka hoggaanadda dhacdooyinkii dhacay iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo dhawaan hishiis buuxa laga gaaray doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinkii aanan ka qeyb galin doorashadii hore, arrimo siyasaadeed awgeed, waxana lagu wadaa in dhawaan la qabto doorashadooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed