Shir looga hadlayo xaaladaha Soomaaliya oo ay yeesheen Golaha Ammaanka isla markaana lagu soo hadal qaaday qadiyadda Itoobiya iyo Soomaaliya

Shir xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladihii ugu dambeyay ee Soomaaliya ayaa waxa yeeshay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay kaasoo diiraada lagu saarayo arrimaha arrimo kala duwan oo khuseyo dalka.

Wakiilka ku meel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ka jeediyay hadal kooban furitaanka shirkaas, kaasoo ka warbixiyay arrimo xasaasi ah.

Wakiilka ayaa ka hadlay hishiiskii is-af-garadka ahay ee Itoobiya iyo Somaliland kaasoo carabka ku dhuftay in ay caddeyeen ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa uu yiri “Waxaan ku dhiirigelinayaa Soomaaliya iyo Itoobiya inay si nabad ah ku xalliyaan arrinta si waafaqsan mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.”

Isagoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixinaya xaaladda Soomaaliya maanta, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee James Swan ayaa xusay in “Soomaaliya ay sii wadeyso raadinta mudnaanta qaranka, oo ay ku jiraan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.”

Wajiga xiga ee dib u eegista dastuurka ayaa lagu wajahi doonaa arrimo adag, sida awood qeybsiga iyo kheyraadka iyadoo la raacayo qaabka federaalka ee Soomaaliya, Mr. Swan ayaa ka sheegay Shirka sidaas. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay dhismaha dawladnimada Soomaaliya. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay u xallin lahaayeen khilaafkooda, isla markaana ay u raadiyaan heshiis la isku raacsan yahay.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday Xaaladda Bini’aadantinimo ee Soomaaliya oo uu ku sheegay weli ah mid aad u xun, isagoo intaas ku daray in dhacdooyinka cimilada, amni-darrada iyo cudurrada dillaacay ay uga sii dareen baahiyaha bani’aadamnimo. “Qorshaha Baahiyaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee 2024-ka wuxuu u baahan yahay $1.6 bilyan, laakiin laga soo bilaabo 11-ka Juun, 22% oo kaliya la maalgeliyay. Waxaan ka codsanayaa saaxiibada caalamiga ah inay bixiyaan dhaqaalaha lagama maarmaanka ah.” ayuu yiri Wakiilka ku meel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed