Shil uu masuul ka tirsan Puntland ku dhintay oo ka dhacay Dowlad deegaanka

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo uu ku jiro agaasime ku xigeenkii Maxjarada Puntland Maxamed Shire Cismaan Sayroon ayaa ku geeriyooday, shil gaari oo ka dhacaday degmada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida, halkay ay ku dhaawacmeen ilaa shan qof oo kale oo u badan haween.

Wararka ka imaanaya degmada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in xalay uu dhacay shilkaan gaari ee  khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba sababay.

Wararka ayaa tilmaamaya in gaariga shilka galay oo Leyla Calaawi ah oo ay leedahay shirkadda Safarada ka shaqeysa in uu shalay subax ka baxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kuna sii jeeday magaalada Qabri-dahar ee gobolka Qorraxeey ee Dowlad deegaanka Soomaalida.

 

Shalay ayaa isla duleedka Qabribayax waxaa shil ku galay 30 qof oo dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray laba gaari oo isku dhacday, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof, halka dhawaad 20 kalana ay ku dhaawacmeen.

 

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed