Eedeyntan Mareykanka ka dhanka ah ayaa waxaa jeediyay safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobay Geng Shuang isagoo tilmaamay in Mareykanku uu masuul ka yahay guul-darrada xabbad joojinta Gaza, iyadoona dagaalka Israa’iil ay ku hayso dhulka Falastiiniyiinta uu ku dhow yahay hal sano.
“Hadii aanu Maraykanku difaacin hal dhinac marba marka ka dambeysa, go’aamo badan oo golahan ka soo baxay si cad looma diidi laheen oo lagama horimaan lahayn” ayuu yiri Safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobay Geng oo ka hadlayay fadhi uu lahaa Golaha Ammaanka.
Geng ayaa xusay in dagaalka Israa’iil ee Gaza oo billowday 7-dii October uu horseedey dhimashada in ka badan 41,000 Shacab falastiiniyiin ah, isagoo sheegay in taasi ay tahay wax laga naxo.
Golaha Ammaanka ayaa qabtay kulan xog-wareysi ah oo ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe & arrimaha Falastiin, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ergada diblumaasiyadeed ee Shiinaha u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Safiirka Shiinaha ayaa tibaaxay in masuuliyada koowaad ee Golaha ay tahay nabadda iyo ammanka caalamiga, waxaana Golaha uu waydiiyay sababta uu awoodi waayay inuu joojiyo masiibadan bani’aadnimo oo ah tii ugu xumayd ilaa iyo maanta.
“Sida falanqeyntu tilmaameyso, haddii Mareykanku uusan hor istaagin dhammaan dhacdooyinkaas, goluhu wuxuu qaadan karay qaraar uu ku dalbanayo xabbad-joojin goor hore ka dib markii uu dagaalka qarxay,” ayuu yiri Geng.
safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobay Geng Shuang ayaa ku boorriyay Mareykanka inay “muujiyaan hab-dhaqan mas’uuliyadeed,” wuxuuna ugu baaqay Washington “inay isticmaasho saameynta weyn ee ay ku leedahay Israaiil oo ay qaado tallaabooyin la taaban karo si ay ugu riixdo Israa’iil inay joojiso hawlgalkeeda milatari iyada oo aan dib loo dhigin, sida ay dalbadeen go’aannada golaha, si fursad ay ku noolaadaan loo siiyo dadka reer Falastiin ee muddada dheer dhibaataysan.”
HBN Online TV