Seddex Degmo oo Ka Tirsan Puntland oo Laga Joojiyay Doorashada.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa joojiyay qaar kamid  Magaalooyin waa weyn oo lagu waday in maalinta berri ah ay ka dhacaan dooraashada golaha deegaanka kadib bayaan ay soo sareen.

Magaalooyinka doorashadooda dib loo dhigay ayaa ka tirsan gobolka Nugaal, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad xooggan oo ku aadan arrimaha doorashada Puntland kadin markii xalay gacanta ay ku dhigeen qalabkii doorashada Ciidanka daacadda u ah Mucaraadka.

Magaalooyinka dib loo dhigay doorashaduu berri ka dhici laheyd ayaa kala ah: Garowe, Dangaronyo, iyo  Godobjiraan.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in xilliga la qabanaayo doorashada degmooyinkan in ay kala tashan doonaan hey’addaha dowladds ee khuseya, Ururada Siyaasadda.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed