Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo beenisay warar ay ku tilmaamay been oo laga baahiyay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bayaan ka soo saartay warar ay ku tilmaamay been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaasi oo lagu sheegay in Mareykanku uu kala baxayo Muqdisho shaqaalaha safaarada sababo amni ah.

Hadal kooban oo ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo lagu dhimayo shaqaalaha safaaradda, isla markaana howlihii caadiga ahaa ee safaaraddu ay si joogto ah u socdaan.

“Warbixinaha dhowaan soo baxay ee sheegaya in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay bilaabatay inay shaqaalaha muhiimka ah kala baxdo dalka waa been,” ayuu lagu yiri warka Safaaradda.

Safaaradda ayaa marar kale oo hore ka codsatay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliya inay iska ilaaliyaan faafinta wararka aan la xaqiijin si looga fogaado kicinta walaaca aan loo baahnayn.

Dhawaan safaaradda maraykanka ayaa soo saartay digniino amni kuwaasi oo uu ka dhashay ka dhex abuuray warbaahinta bulshada, waxaana warkaasi uu saameyn ku yeeshay socdaalladii duulimaadyada. Wuxuu iska hor keenay mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya, inkasta oo dowladdu sheegtay in aysan jirin wax amni darro ah Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed