Ruushka oo ka hadlay mustaqbalka saldhigyada uu ku leeyahay Suuriya

Wakaaladda wararka ee TASS ee dalka Ruushka tabisay in xukuumadda Moscow ay wadaxaajood kula jirto maamullka cusub ee Suuriya si ay uga hadlaan mustaqbalka saldhigyada milatari ee Ruushku ku leeyahay dalkaasi.

Wakaaladdu waxay xustay in labada dhinac aysan weli heshiis ka gaarin arrintan, iyadoo wada-hadalladu ay sii socdaan. Bishii Diseembar ee la soo dhaafay, TASS ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa ilo diblomaasiyadeed, in Ruushka uu doonayo in isagoo fulinaya xeerarka sharciga ah in uu doonayo in saldhigyadiisa ka sii furdaan magaalooyinka Xamiim iyo Tartus ee Suuriya.

Wadaxaajoodyada lala leeyahay maamullada cusub ee Suuriya ayaa diiradda saaraya in la hubiyo in ficillada milatari iyo isbedellada maamulka aan loo arkin sababo lagu burburinayo heshiisyada muddada-dheer ee saldhigyadan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sidoo kale horey u sheegay in dalkiisu uusan helin wax codsi ah oo uga yimid Dimishiq oo ku saabsan dib-u-eegista heshiisyada la xiriira saldhigyada milatari ee Ruushka ee Suuriya.

Moscow ayaa saldhigyo milatari ka sameysatay Suuriya sanadihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan Xamiim iyo Tartus, kuwaas oo ah tiirarka muhiimka ah ee joogitaanka milatariga Ruushka ee badda Mediterranean iyo qaaradda Afrika.

Dhicitaanka xukunka Bashar al-Assad ee Suuriya ayaa abuurtay su’aalo waaweyn oo ku saabsan mustaqbalka saldhigyada milatari ee Ruushka, gaar ahaan maadaama xukunka Assad uu ahaa xulafo muhiim ah oo Ruushka u ah.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed