Ra’iisul Wasaare Soomaaliya oo Magacaabis iyo isu beled xilal Wasiirro Cusub soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah sida la sheegay dadaallada lagu xoojinayo howlaha xukuumadda iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa isugu jira wasiirro iyo wasiir ku-xigeenno ka kala tirsan wasaarado muhiim ah oo dalka. Wasiirrada cusub ee la magacaabay waxay kala yihiin:

Xamsa ayaa xilka ugu weyn ee isha lagu hayey oo ahaa wasiiirka Gaashaandhigga ka beleday Cabdulqaadi Maxamed Nuur, isaga oo u magacaabay Jibriil Cabdirashiid oo hayey xilka wasaaradda Ganacsiga.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Maxamed Faarax Nuux – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Maxamed Cabdulqaadir Cali – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Sidoo kale, xubnaha kale ee la magacaabay ee wasiir ku xigaannada oo 11 ah ayaa 4 ka mid ah waxay yihiin dumar.

Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Marwo Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.
Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Marwo Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Marwo Fartuun Cabdulqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Maxamed Aadan Maxamed – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha.
Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.
Marwo Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Magacaabistan ayaa ku soo aadaysaa xilli xukuumada ay ku furan tahay mucaarad uga imaanaysa gudaha Baarlamaanka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isla markaana dagaalka Al Shabaab uu xoogaystay.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si wayn u hadal haya isbeddelkan wuxuu ka beddeli karo xaalada dalka, xilii jiritaanka hay’adaha dawlada ay ka dhiman tahay wax ka yar sanad iyo bar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed