Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo kulankii ugu dambeeyay la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan sagootin ah ugu sameeyay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing oo la beddelay.

Intii uu kulanka socday ayuu RW Barre ku ammaanay Laing doorka muhiimka ah ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay mudadii ay xilka haysay.

Laing, oo ah Dublamaasi ruug-caddaa ah oo u dhalatay UK, waxay ahayd Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya tan iyo horraantii May 2023.

RW Barre ayaa uga mahadceliyey Laing doorka gaarka ah ee ay ka qaadatay sameynta xiriir xooggan oo dhexmara Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, isagoo carabka ku adkeeyay saameynta wanaagsan ee taageerada Qaramada Midoobay ay ku leedahay horumarinta Soomaaliya dhinacyo badan.

Iyadoo Catriona Laing ay soo gabagabeysay howshii ay Soomaaliya u joogtay, bixitaankeedu waxa uu soo gabagabeynayaa cutub muhiim ah oo ka mid ah iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu booska Catriona Lang uu usoo dirsado wakiil cusub halka Haweeneydaan suuragal ay tahay in loo magacaabo Dal kale sida horay loogu magacaabay wakiilladiisa xilkaan uga horreeyay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed