Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonto Hay’adda Ilaalinta Xogta Soomaaliya ee DPA. Xafladan ayaa lagu soo bandhigay dadaalka uu dalku ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa tayada shaqada DPA, taasi oo u sahlaysa in ay si hufan u gudato waajibaadkeeda shaqo.
Dhismaha xarunta cusub ee DPA ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato ilaalinta sirta iyo amniga xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Siinta tas-hiilaadka DPA ee u go’an, dawladdu waxay rabta inay xoojiso kormeerkeeda sharciyeed iyo awoodaha dhaqangelinta ee aagga ilaalinta xogta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda hindisahan, isagoo sheegay in ay ka qeyb qaadaneyso horumarinta guud ee dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya iyo xaqiijinta ilaalinta xuquuqul insaanka ee xilligan casriga ah.
DPA, oo loo aasaasay inay nidaamiso habaynta xogta shakhsi ahaaneed iyo inay kor u qaado hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo u hoggaansanaanta shuruucda ilaalinta xogta, waxay hadda heli doontaa jawi ku habboon oo ay ku fuliso waajibaadkeeda.
Dhismaha xaruntan cusub ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo ay dowladdu ku casriyeyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada kala duwan ee bulshada. Xarunta ayaa la filayaa in lagu qalabeeyo tignoolajiyada casriga ah iyo agabka lagu taageerayo hadafka DPA ee ilaalinta xuquuqda shaqsiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dhismaha xarunta DPA ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo labada sano ee soo socota, iyadoo dowladda iyo hay’adaha ay khuseyso ay si dhow uga wada shaqeynayaan dhameystirka waqtiga loogu talagalay.
HBN NEWS DESK