Qramada Midoobey oo ka digtay xaaladda halista ah ee ay ku wajahayaan gudaha dalka Malaayiin Soomaali ah

Tirada dadka ay soo wajahday heerar qallafsan ee gaajada Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kor u kacdo 4.4 milyan inta u dhaxaysa bilaha 10-aad iyo 12-aad ee sanadkan, sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada.

“Ugu yaraan 3.6 milyan oo qof ayaa hadda la kulmaya heerar qallafsan oo gaajo ah gudaha Soomaaliya. Tiradan ayaa la filayaa inay kor u kacdo ilaa 4.4 milyan oo qof inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar markaas oo la filayo in roobabku ay ka hooseeyaan celceliska,” OCHA ayaa bayaan ku sheegtay.

Laga bilaabo Oktoobar ilaa Disembar nafaqo xumada ba’an ayaa la filayaa in ay ka sii darto xaalaadda sida ay saadaalisay UNOCHA.

Intaa waxaa dheer, 1.6 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa halis ugu jira nafaqo xumo ba’an ilaa July 2025 gudaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan 403,000 oo ay u badan tahay in ay la ildaran yihiin nafaqo-xumo daran, sida lagu sheegay bayaanka.

Marka la barbardhigo isla muddadaas sannadkii hore, culayska la filayo wuxuu ka dhigan yahay 14 iyo 21% korodhka nafaqo xumada ba’an ee Caalamiga ah iyo nafaqo-xumada daran.

Hoos u dhaca la filayo ee nafaqo xumada ba’an ayaa inta badan loo aaneynayaa hoos u dhaca la filayo ee barnaamijyada bini’aadantinimada iyo ilaalinta bulshada taasi oo ay ugu wacan tahay maalgelinta oo xadidan.

“Tani waxay u badan tahay inay horseedi doonto hoos u dhaca adeegyada caafimaadka iyo nafaqeynta ee muhiimka u ah ka hortagga ama maaraynta nafaqo-xumada ba’an, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee si weyn ugu tiirsan gargaarka bani’aadamnimo,” ayay raacisay.

Intaa waxaa dheer, waxay sheegtay in kororka xilliyeedka ee cudurrada iyo faafitaanka suurtagalka ah la filayo inay si weyn uga sii daraan xaaladda dalka Geeska Afrika.

Helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo iyo tasiilaadka fayadhowrka ayaa sida oo kale la filayaa inay hoos u dhacaan inta lagu jiro xilli-roobaadka, taasi oo sare u qaadaysa khatarta cudurrada.

3-dii Bishaan Octobar James Swan, oo ah ku-simaha ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in taageero dheeraad ah oo dhan $1.6 bilyan lagu taageero barnaamijyada bini’aadamnimada iyo Qorshaha wax ka qabashada sanadka 2024, iyadoo dakhligaas 37% oo kaliya la helay.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa dhawaanahan dar dar gelisay dadaallada ay ku caawineyso dadka Soomaaliyeed ee wajahaya dhibaatada gaajada.
Hay’adda oo kaashaneysa maamulka deegaanka ayaa Jimcihii shalay gargaar deg deg ah gaarsiisay 6,000 oo qoys oo degan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoos.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed