Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Abdul Fattah el-Sisi ayaa saacadihii hore ee maanta yeeshay wadahadallo ballaaran oo ku saabsan sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa wasaaradda warfaafinta Eitrea ay sheegtay in ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ee horumarinta xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.
Waxaa ay sheegtay in lagu heshiiyey in la isku duwo dadaalkooda ku aaddan xasilloonida gobolka, iyada oo muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dal xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan si loo gaaro himilooyinka labada shacab ee ku aaddan horumarka iyo barwaaqada iyo la dhiso Guddi la-tashi siyaasadeed oo heer wasiirro dibadeed ah oo ku saabsan horumarka gobolka ee caalamiga ah iyo juqraafiyeed ee danaha guud.
Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meske ayaa sheegay in shir madaxeed saddex geesood ah oo u dhaxeeyay Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Abdul Fattah el-Sisi, iyo Madaxweyne Xasan Sheekh hoosta ay kaga xariiqeen in ay lama huraan tahay ku dhaqanka mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah, gaar ahaan ixtiraamka aan mugdi ku jirin ee madaxbanaanida, madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee wadamada gobolka.
Waxaa lagu sheegay shirka in lagu heshiiyey in la horumariyo lana sii qoto-dheereeyo iskaashiga iyo isku-xirnaanta saddexda waddan si kor loogu qaado hay’adaha Dawladda Soomaaliya si ay uga hortagaan caqabadaha kala duwan ee gudaha iyo dibadda, iyo in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed loo sahlo in ay ka hortagaan argagixisanimada nooc kasta oo ay tahay.
Arrimaha amniga iyo iskaashiga u dhexeeya Waddamada ee arimaha Badda Cas iyo Gacan-biyoodka Bab-al Mandab ayaa la isku soo qaaday, iyada oo la eegayo muhiimadda ugu weyn ee marin badeed oo muhiim ah iyo habka isku xirka diblomaasiyadeed ee dadaallada wadajirka ah ee ka dhexeeya saddexda waddan.
Ugu dambeyn waxaa ay ku heshiiyeen in la dhiso Guddi Wadajir ah oo Saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ereteriya, Masar iyo Soomaaliya, si ay iskaashi istiraatiiji ah uga yeeshaan dhammaan dhinacyada
HBN ONLINE TV

