Bangiga dhexe ee Itoobiya ayaa la daalaa dhacaya culeys taban oo suuqa lacagaha qalaad ka soo gaaray, ka dib markii IMF iyo kan adduunku daymo badan ku yeesheen.
Lacagta Birrta Itoobiya ayaa hoos u dhacday 30% marka loo eego dollarka ilaa 74.73 dollarkiiba oo shalay mareysay, marka loo eego sarifkii jimcihii oo marayay 57.48 halka dollarka.
Waxaa la filayaa inuu halka dollor uu gaari doono ilaa 200 birr, waana xaaladdii ugu adkayd ee dalkaasi soo marta.
Sarifka 2014 ilaa 2019 ayaa ahaa mid dhex dhexaad ah, waxaana jaantuskan muujinayaa halka uu ka soo bilowday is bedelka ku yimid in sicirka suuqa uu karaar jabsado.
Wakthigii Xayle Salaase, waxay ahayd 1USD 1 Ebir ilaa 2 Ebir, halka Wakhtigii Mengistu ahayd 1USD ilaa 7 Ebir
2014, 1 USD ilaa 19 Ebirr
2019 1 USD ilaa 25 Ebirr
Bishii December ee ina dhaaftay, dalka Geeska Afrika oo la daalaa dhacaya sicir barar baahsan iyo dhaqaale yari daba dheeraaday, isaga oo noqday kan saddexaad ee Qaaradda Afrika oo sannado badan gudahooda ku salafay.
Waxa ay wadahadalo kula jirtay IMF tan iyo sannadkii hore si loo dhiso barnaamij cusub oo amaah ah, ka dib markii kii ugu dambeeyay ee ay taageerto sanduuqa ee lagu heshiiyey 2019-kii
Dhibaatada ugu badan ka yimid colaadda gobolka waqooyiga ee Tigray oo ku dhammaatay heshiis nabadeed November 2022. “Bangiyada waxaa hadda ka dib loo oggol yahay inay iibsadaan oo ay ku iibiyaan lacagaha qalaad macaamiishooda iyo iyaga dhexdooda si xor ah Heerarka wada xaajoodka, iyo (Bankiga Qaranka Itoobiya) oo sameeyay faragelin xaddidan oo keliya,” bangiga dhexe ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Tani waxaa ay saameyn ku yeelatay Shacabka Soomaaliyeed deggan Dowladda Deegaanka, maadaama halkaa lacagta laga isticmaalo ay tahay tan Itoobiya oo nolol maalmeedkoodii si toos ula falgashay.
HBN ONLINE TV