Qaraxii Soobe oo maanta sanad kale ka soo wareegtay iyada oo gurya badan mahadho

Waxaa 7 Sano maanta ka soo wareegtay markii qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya uu ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaaladda Muqdisho xili galab ah.

14-kii Oktoobar sanadkii 2017-kii Qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaaladda Muqdisho ayaa sababay dhimashada inta ogyahay 656 qof, dhaawaca 340, waxaana ku hanti beelay 364 qof, iyada oo ay ku agoontoobeen boqolaal carruur ah.

Dhacdadaasi ayaa maskaxdooda raad iyo saameyn xun kureebtay malaayin qof oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed, halka dad badan u naafoobeen, kuwana sariiro u saaranyihiin iyo qaar guryahoodii u iftiinku uu ka damay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 14 -ka Oktoobar in ay tahay maalin qaran oo lagu xusuusto dadkii ku waxyeeloobay “weeraradii argagixiso” ee taariikhdaas ka dhacay caasimada.

Dowladdii jirtay xiligaasi ayaa dhacdooyinkaas waxaa ay ku eedeysay Al-Shabaab, inaksta oo aysan wali si rasmi ah dusha u saaran mas’uuliyada falkaas. Waxyeelada Qaraxa 14-October waxa ay si toos ah u gaartay tiro ku dhow 2%, dadka Muqdisho taas oo ka dhiganta in 25,000 oo qof oo ka mid ah dadka ku nool caasimadda ay waxyeelo toos ah oo naf iyo maal leh ay ka soo gaartay Qaraxaas.

Khadaaraha waxyeelada qaraxaasi geystay waxa ay dad badani aaminsan yihiin in ay ahayd in uu Soomaalida u abuuro Isku xirnaan, Waddaniyad iyo Kacdoon bulsho kaas oo horseeda isbeddel sida Kacdoonadii guuleystay oo inta la xusuusto uu ka mid yahay Kacdoonkii Nabilyoon kaas oo ay dhallinyaru horseedu ahayd, balse taas beddelkeeda Qarixii Soobe waxa uu sababay niyad jab keenay in dhallinyaro badan ay qaataan go’aan ah in ay dalka ka tahriibaan.

Soobe waxaa weli ka muuqda maanta oo 7-Sano ay ka soo wareegtay saameyntii tabneyd ee maalinkaasi ka soo gaartay qaraxaasi, kaasi oo la sheego in uu ahaa midka ugu weyn ee Bariga Afrika ka dhacay iyo guud ahaan Soomaaliya.

Adiga saameyn intee la eg ayuu kugu leeyahay?

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed