Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Galgaduud

Hal Ruux ayaa la xaqiijiyey in uu ku geeriyooday, halka qof kale uu ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay degaanka Gawaan ee Duleedka Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in uu ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Aways Cali Guure xilli uu ku socdaalayay wadada degaanka Gawaan ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda degmada Ceeldheer ayaa sheegay in Miinadaas ay wadada ku aaseen Al-Shabaab si ay Shacabka iyo Ciidamada ugu dhibaateeyaan, sida halka ay u dhigeen.

Dhinaca kale Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgallo xoogan oo ka dhan ahaa ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo saraakiil ka tirsan ciidamada dowaldda ay qayb ka yihiin dagaalka

Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinkii laga saaray Al-Shabaab oo muddo ka badan 15 sano gacanta ku haayeen, waxaana ammaankeeda gacanta ku haya Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed