Qarax askar ku dhimatay oo ka dhacay Beledweyne

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo kala ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla xaafadda Xaawo Takako gaar ahaan laanta Guufaale ee magaalada Baladweyne.

Qaraxa ayaa sida oo kale lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacantay Haweeney laheyd Maqaayada uu qaraxu ka dhacay, waxaana la geeyay mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si loogu daweeyo.

Waxaa lagu soo waramayaa in inta badan askarta dowladda ay si joogta ah wax uga cuni jireen maqaayadda uu qaraxa miinada ka dhacay. Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray ciidamada ammaanka degmada Baledweyne, kuwaasu oo baaritaan ka bilaabay agga wax ka dheceen, waxaana la filayaa in ay soo bandhigaan natiijada.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, balse Al-shabaab ayaa weeraro noocan oo kale ah geysta oo u arka dad gobolka bartilmaameed maadama ay ka saareen deegaano badan Hiiraan.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo bishii Ogoosto ee sanadkan sii xoogeysanaya dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, kadib markii ay bilaabeen duulaankii ugu weynaa ee ay Soomaaliya hormuudka ka tahay oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo laga saaray deegaano badan oo ay kooxdaasi maamulayeen tobanaan sano.

HBN ONLIN TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed