Qaramada Midoobey oo sheegtay in dagaalka ka socda Shabeellaha dhexe uu sababay barakaca in ka badan 30-kun oo ruux

Iyada oo dagaallo adag ay ka socdaan gobolka Shabeellaha dhexe bilihii ugu dambeyey, waxaa soo baxaya saameynta dadka deeganaa ay ku yeesheen dagaallada, ka dib markii ay soo baxday warbixin sheegaysa in inka badan 30,000 oo qof ay ka baraceen guryahoodii sida ay aan ka soo xiganeyno Qaramada Midoobey.

Warbxixinta uu sii daadyey Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in 29,600 oo qof ay barakaceen gudaha gobolka, halka 1,300 oo kale ay u soo guureen gobolka Banaadir, waxaana badankood ah yihiin haween, carruur iyo waayeel.

Goobaha la calaamadeeyey ee u badan in lagu barakcay gudaha gobolka ayaa kala ah: Ceel-baraf, Biyo-Cadde, Miir-taqwo, Qurac-madoobe, Cali axmed iyo Rage-ceelle.
Sidoo kale, warbixinta ayaa sheegaysa in goobaha hadda dadkaasi ay badi aadeeyeen ay kala yihiiin Mahadaay, Ceel barwaaqo iyo Adan Yabaal oo gudaha gobolka ah..

Xafiiska OCHA ayaa sheegtay in Hay’adaha gargaarka ay bixinayaan kaalmo bani’aadannimo, balse ay xaddidan tahay taageerada ay bixinayaan sababo la xiriira dhaqaale yari iyo caqabado dhanka gaarsiinta ah.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo is abaabul oo deegaanka ah ayaa dagaallo adag waxay kooxda Alshabaab kula galeen gobolka Shabellaha dhexe, kaasi oo ay hareer socdeen duqeymo iyo weeraro fariisimo lagu qaadayey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed