Puntland oo xukunno dil iyo xabsi ah ka soo saartay Dil ka dhacay Boosaaso

Maxkamadda Derajada 1-aad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa maanta go’aano kala duwan ka soo saartay kiis dacwadeed ku aadanaa dil loo geystay Gudoomiye kuxigeenkii Jamaacadda Bariga Africa ee magaalada Boosaaso.

Maxkamadda ayaa xukun dil ku riday Maxaamed Abshir Muuse, ka dib markii ay ku helay inuu dil bareer ah u geystay Allaha unaxariisto’e Maraxuum Khaalid Cali Khaalid, kaasi oo dhacay magaalada Boosaaso, sida uu warbaahinta uu u sheegay Xeer Ilaaliye Cabdiraxmaan Abshir Axmed.

“Sidaas darteed waxaa Maxkamadda u cadaatay in fal dil bareer ah dhacay, uuna geystay Maxaamed Abshir Muuse uuna u geystay Marxuun Khaalid Cali Khaalid, Waxayna ku xukuntay dil toogasho ah” ayuu yiri Xeer ilaaliye Cabdiramxaan.

Sida oo klae, Maxkamadda ayaa eedeysanaha labaad oo lagu magaabo Axmed Maxamuud Maxamed ku heshay dambiyada kala ah in uu Maxamed Abshir ku gacansiiyey in uu keeno goobta dilku ka dhacay, ka dibna uu fakiyey, waxaana ay ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah, Halka gaarigiisa oo falka lagu geystay ay u xukumay Puntland.

Laba ka mid ahaa rag ku eedeysnaa in kaalin ay ku lahaayeen dilka ayey sheegtay Maxkamaddu in wax dambi ah ay ku wayday, iyada oo dib u siisay xoriydoodii.

Marxuum Khaalid Cali Khaalid ayaa dhamaadka bishii Luulyo ee aanu soo dhaafnay waxaa dil loogu geystay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed