Puntland oo u yeeratay xubnaha labada aqal ee BFS ku matala.

Puntland ayaa u yeertay xildhibaannada ku metela labada aqalka Baarlamanka Soomaaliya, si ay uga soo qayb galaan furitaanka kalfadhiga Baarlamanka ee todobaadkan oo looga hadlayo xaaladaha dalka, si ay wadatashiyo ula yeeshaan.

Xubanaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu booriyey in ugu dambeyn yimaadaan 25-ka bishaan ayaa wadatashiyo ka yeelan doona madaxda Puntland, si ay ugala hadlaan xaaladda dalka, xilli ay meel adag marayso xiisadda siyaasadeed ee Dowladda Federaalka kala dhexeysa.

Xildhibaanada la casuumay ayaa ka qeyb gali doona furitaanka kalfadhigga 55-aad ee golaha wakiillada Puntland oo dhici doono 26-ka bishan Octobar.

“Mudanayaal, waxaan idinku boorinaynaa in aad timaadaan ugu dambeyn 25-ka Oktoobar, 2024 maadaama uu Kalfadhigu furmayo 26-ka Oktoobar, 2024. Munaasabadda furitaanka ka dib, waxaan yeelan doonaa kulamo wada tashi oo la xiriira aaladda guud ee dalka” ayaa lagu yiri warqadaan ka soo baxday Putland.

Inkastoo Puntland xildhibaanadan ugu yeertay wadatashi haddana dad badan ayaa su’aalo iska waydiinayaa tilaabooyin horey maamulka Puntland uga hor istaagay xildhibaanada qaar inay tagaan deegaanadaasi sida Gudoomiye kuxigeenka koowaad Sacdiyo Samatar oo loo diiday inay ka degto magaalada Boosaaso, sidoo kale xildhibaano kale ayaa sheegay in sidaasi oo kale looga hor istaagay inay tagaan deegaanada laga soo doorto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed