Puntland oo shir ka yeelatay Taakulaynta Hawlgalka Ciribtirka Daacish

Shir ku saabsan adkaynta Amniga guud iyo garab istaaga Hawlgalka loogu magac adray Cirib-tirka Argagixisada Puntland ayaa maanta lagu qabtay Caasimadda Garoowe, kaasi oo masuuliyiinta ugu sareysa maamulka ka qeyb ahaayeen.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in shirka uu guddoomiyay Madaxweyne ku xigeen Ilyaas Cismaan Lugatoor oo looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada.

“Shirka ayaa looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo Kor u qaadista iyo adkaynta Amniga guud ahaan deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Shirkani ayaa imaanaya xilli ay Puntland dagaal kula jirto gobolka Bari kooxda Daacish, iyada oo tilmaantay inay halis ku tahay Amniga iyo Xasiloonida guud. Kooxda ayaa dhawaan weerar Puntland ku sifeysay mid fashilmay kula gashay Saldhigga Ciidamada ee degaanka Dharjaale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed